Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland Oo Digniin U Diray Shacabka Ku Dhaqan Xeebaha

Berbera(GNN):-Ciidamada ilaalada xeebaha somaliland ayaa digniin ka soo saaray duufaano ay sheegeen inay ku soo wajahan yihiin qaybo ka mid ah xeebaha dalka.

Fariin lagu baahiyey boga ciidanka ilaalada xeebaha somaliland ayaa lagu sheegay in taliyaha ciidankaasi uu baaqyo digniino ah u dirayo bulshada somaliland ee ku dhaqan deegaanada xeebaha dalka.

Fariinta ciidamada ilaalada xeebaha somaliland ayaa u dhignayd sidan:-

Taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha JSL admiral Mohamed xussein faarax xiirane waxa uu uga digayaa dhamaan shacabka reer somaliland gaara ahaan bulshada xeebaha ku nool in ay somaliland ku fool leeyihiin dufaano.

waxa loo bahan inay ka sii diyaar garooban dadka xeebaha degan dhamaan ciidanka ilaalada xeebaha waxa lagu amrayaa in ay controlaan gadiidka badda Nooca kallumaysiga ee Nugul ama iska xajinaynin mawjada waa wayn kuwa ku jira ay ka soo baxaan si dhibaatada dufaanta uga badbaadaan maalmaha ay hawshaasi socota waa laga digtoonadaa Waxana laga yaaba in fatahaado samayso baddu marka dadka xeebaha u dhow ee degan ha ilaaliyaan ilahay baan ka baryayna in uu ino garab mariyo insha allah.

 

Gabiley News Network

Berbera Somaliland