Ciidamada Itoobiya Oo Dhaqdhaqaaqyo Militari Ka Wada….

Wararka ka imanaya deegaanno ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in isgaarsiintii aysan shaqaynayn iyadoo dhinaca kale ay jiraan dhaqdhaqaaqyo milatari oo ka socda waddada u dhaxaysa magaalada Baydhaba iyo Buurhakaba.

Ilaa hadda ma cadda sababta shaqadii isgaarsiinta hakadku ugu yimid, hase yeeshee ilo dhinaca amniga ah ayaa sheegay inay la xiriirto dhaqdhaqaaqyada dhinaca amniga oo ay ku lug leeyihiin ciidamada maamulka iyo kuwa Itoobiya ee ka midka ah hawlgalka AMISOM.

Maalintii shalayna qarax ka dhacay degaanka Lughabare oo u dhow magaalada Buurhakaba ayaa waxaa ku dhintay askari ka tirsan ciidamada Itoobiya sida xubin dhinaca amniga ah uu u sheegay idaacadda VOA.

Sarkaalkaasi waxaa kale uu sheegay in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen saddex kale oo ka mid ah ciidamada Itoobiya.

Ciidamada la bartilmaameedsaday ayaa kasoo socday dhinaca Buurhakaba, waxaana la sheegay inay maanta u suurtogashay inay safarkooda sii wataan kadib qaraxa shalay galab.