Daawo :-Wasaaradda Caafimaadka Oo Ka Hadashay Cudurka Kuduudiyaha Oo Dalka Ku Soo Badanaya

Hargeysa  (GNN):- Wasaaradda Caafimaadka ayaa ka hadashay xanuunka Kududiye, oo dalka ku jira, dad badana ku dhacay, waxayna sheegtay inay waddo wacyigelin iyo dadaalo ay dadka kaga wacyigelinayso xanuunkan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlay xanuunkan Kududiye ayaa yidhi

“Cudurka Kududiye, waa cudur jira, waana xumad xad dhaaf ah, oo qofka ku dhacda, dad badana oo dalkeena ahna uu ku dhacay, oo wey isku arkeen, iyada oo inta badan dadka qaar aanay fahamsanayn, balse qofku marka uu cudurkani ku dhaco wuxuu isku arkayaa xumad aad u daran, caajis aad u daran, Wasaarad Caafimaad ahaana wacyigelin aad u balaadhan oo ku saabsan cudurkan Kududiye, ayaanu sameeynay, bulshadana waanu ka wacyigelinay, si astamaha cudurkan loo garto, qaabka loo ogaan karo, iyo qaabka ugu fudud ee qofku iskaga daweyn karo, haddii uu qofku ogaado in cudurkani hayana waxaa hubaal ah in si yar oo fudud uu isku dawayn karo”.

Mar uu ka hadlaayey Dawooyinka ayaa wuxuu yidhi “Guud ahaan Shacabka waxaan leeyahay xaalad kasta oo idinku timaada waa inaad isticmaashan dawooyin la hubo tayadooda iyo wax tarkooda,oo aad uga taxadira inaad isticmaashan dawooyin aan la hubin, guud ahaan Dhakhaatiirta iyo cid kasta oo dawooyin bixinaysa ama iibinaysa waxaanu ku boorinaynaa inay masuuliyad isa saaran oo Dawooyin la hubo ay dadka siiyaan, balse aanay siisin dawooyin khatar ah oo caafimaadka qofka waxyeelo soo gaadhsiisa”.

Source:- Geeska