Dad ka Badan 60-Qof Oo ku Dhintay Tareen Dab Qabsaday.(Sawiro)

Wararka ka imaanaya dalka Pakistan ayaa sheegaya in dab xoogan oo qabsaday tareen u kala gooshayay magaalooyinka Karachi iyo Rawalpindi , waxaana dabkan ka dhashay khasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawac ah.

Inta la xaqiijiyay 65-qof oo kamid ahaa rakaabkii tareenka saarnaa ayaa dhintay halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 30-qof oo kale, waxaana laga cabsi qabaa in ay sii kordhaan khasaaraha dabkaasi ka dhashay.

Wasiirka tareennada dalka Pakistan Sheekh Rashiid Axmed, ayaa sheegay in dabka qabsaday tareenka uu ka dhashay gaas nuuca cuntada lagu karsado ah oo qarxay, waxaana gaaskaasi quraac ku karsanayay rakaab tareenka la socday.

Inta badan dadka dhintay ayaa la sheegay in ay dhinteen xili ay isku dayayeen in ay ka boodaan tareenka dabku qabsaday, waxaa dadka qaar iyana la sheegay in ay u dhinteen qiiqa dabka oo neefta ku celiyay.