Facebook Oo Hawada Ka Saaray Boggag Ruush Ah Oo Marin Habaabinayay Dadka Afrika

Shirkadda Facebook waxay sheegtay inay hawada ka saartay boggag lala xiriirinayo in laga leeyahay Ruushka kuwaas oo marin habaabinayay dadka ku nool siddeed dal oo Afrikaan ah.

“Inkasta oo dadkan iska lahaa boggagan ay isku dayeen inay qariyaan hebtooda, baaritaanadeena waxaan ku ogaanay in ololahan ay wadeen shabakado lala xiriirinayo maalqabeenka Ruushka u dhashay Yevgeniy Prigozhin,kaas oo ay dambi kusoo oogtay waaxda caddaaladda ee Mareykanka” ayuu yidhi Nathaniel Gleicher oo ah madaxa amniga ee shirkadda Facebook.

Wuxuu intaas ku daray in boggagan marin habaabinta waday ay saameyn ku reebeen dadka ku nool dalalka kala ah Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika, Mozambique, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, Ivory Coast,Cameroon, Suudaan iyo Libya.