Faransiiska Oo Joojay Hub Uu Ka Iibinaayey Turkiga

Dowlada Faransiiska ayaa shaacisay inay joojisay hub ay ka iibin lahayd dalka Turkiga, go’aankan oo la xariira weerarka militariga Turkiga ku qaaday waqooyiga Siiriya.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Gaashaandhiga France ayaa lagu sheegay in gebi ahaan la joojiyey hubkii uu wadankaasi ka iibin jiray xukuumada Turkiga, maadaama ay kasoo horjeedaan in hubkaasi loo isticmaalo dagaalka ka socda Siiriya.

Dalalka Midowga Yurub ayaa si weyn uga soo horjeeda duulaanka Turkiga uu ku qaaday xoogaga Kurdida ee Siiriya oo iyagu gacan kasiinayey dalalka reer Galbeedka la dagaalanka kooxda Daacish.

France ayaa kamid ah wadamada Yurub ee ka cabsi qaba in dagaalada ka socda Waqooyiga Siiriya ay keento in ay soo baxsadaan in badan oo kamid ah maleeshiyaadka kooxda Daacish ee hada lagu hayo xeryaha ay maamulaan xoogaga Kurdida oo xiligan cadaadis militari uga yimid Turkiga.