Swedan Oo Bilowday Olole Yurub Ay Ku Qancinayso In Turkiga La Cunaqabateeyo

Baarlamanka Sweden ayaa haatan ogolaaday hindisihii ahaa inay dowladdu riixdo qorshe Midowga Yurub looga raaridayo in cunaqabatayn dhanka hubka ah la saaro dalka Turkiga, goorta ay Isniinta soo aaddan kulmaan Wasiir Dibadeedyada Midowga Yurub.

Annika Söder, Waa Xoghayaha Guud ee Wasaarad Dibadeedka Sweden, waxayna sharraxaysaa tillaabada xigta.

“Wasiir Dibadeedka Ann Linde ayaa haatan u socdaalaysa dhanka Midowga Yurub, waxaana saaka yeelannay kulan wanaagsan, kaasoo lagu lafa guray sidii loo sii ambaqaadi lahaa qorshaha lagu cunaqabataynayo Turkiga, kaasoo ah hindise iminka helay taageero ballaaran,” ayay tiri Annika Söder oo u warrantay laanta wararka Ekot.

Söder ayaa sidoo kale sii qodday waxa ay ka koobnaan karto cunaqabataynta ay marka dambe la bartilmaameedsanayaan in la saaro Turkiga.

Waxaan sidoo kale isku raacnay inaan eego cunaqabataynno kale, sida mamnuucidda inay dadka qaar dibedda u safraan iyo taageero kala noqoshada musharraxnimada uu muddo Turkigu ku doonayay inuu kaga mid noqdo Midowga Yurub, ayay raacisay.

Annika Söder ayaa se dhanka kale qirtay inay yara adag tahay in Turkiga la cunaqabateeyo, hal sabab oo istaraatiji ah oo jirta darteed, taasoo ay isla iyadu dadka u iftiiminayso.

Sida dhici karta dhibaato dabcan way ka joogtaa in cunaqabatayn dhanka hubka ah la saaro Turkiga, iyadoo lagu jiro xayndaabka Wasiir Dibadeedyada Midowga Yurub, maxaa wacay Turkigu wuxuu ka mid yahay NATO, taasoo ay ku jiraan inta badan dalalka EU. Ha yeeshee, waanu dadaalaynaa ilaa Isniinta si aannu u muujinno inaan ku adag nahay arrinta Turkiga, waayo waxa ay sameeyeen waa wax laga niyad jabo oo ay tahay in si kasta loo cambaareeyo, sida ay sheegtay.