Ganacsatada Xoolaha Dhoofisa Oo Ka Cabanaysa Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland.

Hargeisa(GNN):-Sanadihii udanbeeyay waxaa soo noq noqonayay xayiraada dalka sucuudigu saarayay xoolaha mandaqada geeska Afrika

ee Soomaalidu degto inta badana sababaha xayiraada sucuudigu u adeegsado ayaa ahaa dhanka caafimaadka xoolaha inkastoo dadka qaar qabaam in siyaasad madowna ku dhex jirto oo ah mid ganacsi iyo mid qarsoon oo salka ku haysa siyaasad.

Dhawaan ayay ahayd markii sucuudigi xayiraadii ugu danbaysay u saaray dalalka jabuuti iyo Sudan iyadooo sidaynu ognahay labadii sano ee danbeeyay xayiradi saarnayd xoolaha ka tagi jiray dalalka Soomaliya iyo Somaliland oo isku amar kaliya sucuudigu ka joojiyay kadib markii xoolo ka tagay magaalada Muqdisho oo ay rareen shirkada aljaabiri dib loosoo celiyay iyadoo wasarada xoolaha iyo beeraha dalka sucuudigu ku sheegeen in xooahaasi aanay caafimaad qabin waxase xusid mudan in sucuudigu fasaxay xoolaha taga xiliga xajka labadaa sanaba lakiin mark mooshinka xashku istaago halkii ayay kasii socotaa cunaqabayanta dhoofka xoolaha ee sucuudigu ku hayay Somaliand iyo Soomaliya.

Hadaba xayiraadii udanbaysay ee sucuudigu saaro dalka jabuuti waxay dhibaato horleh ku abuurtay ganacsatada xoolaha dhoofisa waxaana xoolo ubadan geel oo tiradiisa lagu qiyasay 9000 kun ay xiligan ku xaniban yihiin xadka lawyacado ee udhxeeya Somaliland Iyo Jabuuti xoolahan ayaa sida uu noo sheegay Ganacsadae Axmed Ibraahin waxaa qabtu ugu dhacday iyagoo markaa xadka ka talabay oo Somaliland,na cashurtay laakiin nasiib daro ayuu yidhi markaanu damacnay in aanu xoolhayagii dib ulasoo noqono waxaa naga hor istaagtay wasaarada Xanaanada Xoolaha ee Somaliland Ganacsade Axmed Ibraahin khadka telofanka noogu warmay ayaa ka cabanayaa madaxda wasaarada xanaanad xoolaha iyo kaluumaysiga ee Somaliland waxanu inta ku daray in tacadi badani ku dhacay ganacsigoodii xukuumad Somaliland ay kusii joogsatay, Arinkan oo aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino Agaasimaha waaxda caafimaadka xoolaha ee wasaarada Dr Axmed Haybe Warsame ayaa jawaab naga siinin xoolaha lawyacado ku xaniban iyo sababta.

dhanka kale Iloo Xog Ogaala ayaa noo sheegay in sababta loo hor istaagay xoolahasi ay tahay in wasaaradu amartay in caafimadka xoolaha la baadho maadaama ay wadan kale u gudbeen Docda kale waxa Soo baxaya wararka sheegaya in Magaalada Muqdisho u ka socdo shir lagaga hadlayo dhoofka xoolaha Soomalida shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen wasarada xanaanad Xoolaha ee Soomaalya, Hay’ada FAO iyo saraakiil ka socda wasarada beeraha iyo xoolaha e dalka sucuudiga waxana lagu gorfaynaya shurruudo ku xidhan furitanka xoolaha Soomalida sidii dalka sucuudiga loogu iibgayn lahaa xayiraadna looga qadi lahaa iyadoo hoostana ay kaga laman tahay siyaasada dawlada Xamar oo doonaysa in ay bixso warqada caafimaadka ee xoolahaasi ku bixi doonaan si ay komishinkii ay doonaysay u hesho,

Hadaba Shirkan Dibin daabyada ku ah Somalilan waxa ka qayb galay sidaanu xog rasmiya ku helnay Labo Dhakhtar oo ushaqeeya maxjarka Aljaabiri oo lagu casuumay shirkaasi dhagaraysan labadan dhakhtar ayaa magacaydoodu kala yihiin Dr Waliid Iyo Dr Axmed sida u noo xaqiijiyay Isuduwaha Wasaarda Xanaanad Xoolah iyo kaluumaysiga e Gobolka Saaxil Dr Axmed Xaaji Cabdilaahi [Loojee] waxaanu sheegay in ay si tuugo ah ay ku tageen shirkaasi wasaaraduna aanay ka warqabin, sarkaalkan ayaa sidoo kale yidhi , wasiirkana waanu ogaysiinay markay soo noqdana badhitan ayaa lagu samayn doonaa wuxuu intaasi ku daray in markii telofanka kula hadlay ay u sheegeen in ay ka qaybgalayan shirka FAO qaban qabisay ee xoolaha lagaga hadlaayo Muqdishona ay Joogaan

wararka qaarkood ayaa sheegay in shirkan lagu casuumay madaxda maamula sadexdda macjar ee berbera laakiin ay diideen labada macjar ee Unated Gaurteen Iyo Maxjarka Ilma Indha Deero halka Macjarka aljaabirina ogaladay ka qaybgalka shirkaasi Hadaba Shirkada Aljaabiri ayaa sabab u ahayd in la furo xoolaha Soomaalida oo sideed sano xayiraadi sarnayd  iyaga oo Dawlad sucuudiga ku qanciyay inuu furo dhofka xoolaha taasi bedelkeedana xukuumadii Daahir Riyaale waxay koote ugu xidhay dhoofka xoolaha ee dekada berbera iyadoo dhowr sano u kaligii ka rarayay xoolaha Somaliland Dekeda Berbera Laakiin markii xukuumadii Daahir Riyaale lagaga guulaystay dorashadii ayaa xukuumadii cusbayd ee Axmed Siilanyo jabisay kootadii dhoofka ee uxidhnayd Ganacsadaha Carbeed ee Saleymaan Aljaabiri waxaan magaalada berbera laga furay labo maxjar oo kale ganacsatada xoolaha dhoofisa ayaana sheegaya in shirkada aljaabiri aanay raali ka noqon furida maxjarada cusub ee laga barbar furay kadibna ay ka gaabisay mudooyinkan danbe dadaaladii lagu raadinayay in xayiraada laga qaado xoolaha arlaada Somalida ka dhoofi jiray

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network