Gudida Qaramada Midoobay U Qaabilsan Dabagalka Oo Shaaca Ka Qaaday In Ethiopia Maamul Goboleedada Somalia Hub Siiso.

Nairobi(GNN):-Guddiga Khubarada kooxda QM ee daba-galka Soomaaliya (UN Monitoring Group) ayaa shaaca ka qaaday in maamul goboleedyada Soomaaliya ay dalka Itoobiya ka heleen hub sharci-darro ah, xilli Soomaaliya ay weli qeyb ahaan saaran tahay xayiraad hubka.

Warbixinta guddiga ee sanadda 2019, oo Soo gaadhay Warbaahinta qaar kamida ayaa shaaca ka qaadday in guddiga uu helay dokumentiyo caddeynaya in shirkadda Metals and Engineering Corporation (MetEC) oo ay leedahay dowladda Itoobiya ay hub iyo rasaas badan siisay dhammaan maamul goboleedyada Soomaaliya.

Gudidga ayaa sheegay in arirntan aysan ahayn sanadkan oo kaliya, balse ay soo socotay tobankii sano ee tagay.

Guddiga ayaa sheegaya in Go’aanka ku saabsan hubka faqrada  11-aad ee qaraarka 2111 ay dalalka caalamka u ogolaanayso inay hub siin karaan haya’daha amniga Soomaaliya ee ka baxsan dowladda federaalka, haddana ay qasab tahay in marka hore ay ogolaansho ka helaan guddiga. Dowladda Itoobiya marnaba ma weydiisan ogolaansho, ayey tidhi warbixinta.

Dhinaca kale, guddiga ayaa dowladda Soomaaliya ku tilmaamay inay inta badan u hoggaansantay shuruudihii qeyb ahaan looga qaaday xayiraadda hubka, inkasta oo ay jirto marar ay ku guul darreysatay, xeebahana ay kala soo degtay hub qarsoodiya, kaas oo ilaa hadda warbixintooda ay ku sheegeen in baadhis lagu wado.

“Shan ka mid ah toddoba jeer oo dowladda ay guddiga soo ogeysiisay hub ay keensaneyso, waxay buuxiyeen shuruudihii golaha ammaanka” ayaa lagu yidhi warbiixnta guddiga ay soosaareen.

 

Nairobi Office

Gabiley News Network