Liverpool Oo Ku Hanjabtay In Ay Ka Baxayso Wareega Sideedaad Ee Carabao Cup

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa digniin ku bixiyay in Reds ka bixi doonta wareega sideeda Carabao Cup haddii aan hal sharuud la fulinin.

Kooxda Merseyside ayaa xaqiijisatay booskeeda wareega sideed dhamaadka ka dib markii ay rigoore kaga badiyeen Arsenal ciyaar 90kii daqiiqo ku dhamaatay 5-5 oo ka dhacday Anfield.

Laakiin saacad ka dib markii ay ciyaarta soo dhamaatay, Klopp ayaa digniin ku bixiyay in Liverpool ay isaga bixi doonto tartanka haddii maamulka tartamka aysan helin taariikh ku haboon oo ay ciyaari karaan kulanka wareega sideed dhamaadka.

Wareega sideed dhamaadka waxaa la ciyaarayaa isbuuca ka bilaabanaya 16ka December.
Laakiin Reds waxa ay isbuucaas u ambabaxeysaa dalka Qatar oo ay uga qeyb qaadanayaan koobka Club World Cup.

Klopp ayaana shirkiisa jaraa’id ku sheegay in kooxdiisa ay isaga bixi doonto tartanka haddii aan la helin taariikh ku haboon oo ay ciyaaraan wareega sideeda.

“Haddii aysan helin waqti fiican oo aan ciyaari karno, markaas kama qeyb qaadaneyno tartanka” ayuu shaaciyay tababaraha Liverpool.

“Waa inay go’aankaas gaaraan. Waa in laga fekero arimahaan.

“Haddii aad heysato jadwal ay hal koox kawada qeyb qaadan karin kulamada oo dhan, markaas waa inaad ka fekerto liiska jadwalka.

“Waxaan rajeynayaa inay taasi haatan bilaabato. Waxaan qabaa inay taasi cadaalad tahay. Dhibaatada waa ay cadahay haatan. Dhibane uma noqon karno dhabaatadaan.

“Waan ciyaarnay caawa, waxaan dooneynay inaan badino, waana sameynay sidaas. Haddii ay inoo heli waayaan taariikh inoo fiican, ma ciyaari karno wareega xiga, kooxdii nagu soo aada ha u sii gudubto semi-finalka ama Arsenal hala ciyaarto.

“Dad badan oo Premier League ka socda oo TV ka daawanayay ciyaarta ayaa rajeynayay inay Arsenal soo baxdo. Waan ka xumahay.”

Isku aadka wareega sideed dhamaadka Carabao Cup waxaa la qaban doonaa habeenka Khamiista ee 31ka bisha October.