Qaramada Midoobay Oo Walaac Hor Leh Ka Muujiyey Cashuuraha Ay Kooxda Alshabaab Ka Qaado Ganacsatada iyo Bulshada.

Nairobi(GNN):-Warbixintan Ay Soosaareen Qaramada Midoobay Aya lagaga hadlay Arrimo badan.

Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa walaac xoogan ka muujiyay canshuurta qasabka ah ee kooxda Al-Shabaab ka qaado dadka reer miyiga ee ku nool dhulka ay maamulaan.

Warbixin cusub oo kasoo baxday golaha ammanka ayaa lagu sheegay canshuurta sharci darrada ah inay sababtay barakac xoogan iyo in ay hoos u dhigtay dhiirrigelinta wax soo saarkii beeraha.

Boqolaal qoys oo ku tiirsanaa xoolaha iyo Beeralayda ayaa guryahooda uga cararay cabsi soo wajahday kadib markii Shabaabku weydiisteen inay qasab ah ku bixiyaan lacago ay ku sheegeen canshuur, sida warbixinta ay tiri..

Qoysaskaan oo ay horey u saameeyeen abaarihii ka dhashay roob yarida, ayaa ku qasbanaaday inay u baracakaan dhulka magaalooyinka, halkaas oo hay’adda safamalku ku caawiyaan.

Sidoo kale, warbixinta Qaramada Midoobay ayaa walaac xoogan looga muujiyay askaraynta carruurta Soomaaliyeed, iyada oo la sheegay inay ka socoto gobolka Bari oo ka tirsan Puntland, koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Laga soo bilaabo Janaayo ilaa Luulyo 2019, guddiga la socodka howshaan, ayaa ogaaday in 869 caruur ah, oo ay ku jiraan 8 gabdhood, la askareeyay ayna adeegsadeen ciidamada qalabka iyo kooxaha xagjiriinta ah.

Sanadkii 2018, Sanduuqa Qaramada Midoobay ee caruurta (UNICEF) iyo hay’adaha la shaqeeya ayaa dhaqan celin u sameeyay 1,466 carruur ah oo ku nool magaalooyinka Afgooye, Baydhabo, Dhuusamarreeb, Garoowe, Kismaayo iyo Muqdisho.