QM Oo Walaac ka Muujisay Sida Al-shabaab Ugu Dhex-milmeen Dekedda Muqdisho.

Guddiga Khuburada QM, oo ah Guddiga lagu beddelay Kooxda Kormeerka ee Soomaaliya iyo Eritrea (UN Monitoring Group), ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ku dhex-milantay dekedda Muqdisho.

Warbixinta guddiga ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay awood u yeelatay inay hesho dokumentiyada alaabaha kasoo degaya dekedda ee la socda maraakiibta (Manifest) kuwaas oo faah-faahiya nooca alaabta soo dageysa, qiimaha iyo cidda iska leh.

Sida ay tiri warbixinta, 1-dii illaa 7-dii April 2019, Al-Shabaab ayaa la xiriirtay milkiilayaasha ganacsiyada Muqdisho, kuna war-gelisay in dhammaan alaabaha uga soo degaya dekedda Muqdisho laga rabo inay ka bixiyaan canshuurta Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale amartay in dhammaan ganacsiyada Muqdisho laga doonayo inay alaabta ay soo degsanayaan ay ku war-geliyaan qeybta maaliyadda kooxda, ka hor inta aysan lasoo degin, ayada oo ka digtay in xog kasta oo ay soo gudbiyaan laga xaqiijin doono manifestada markabka la socota.

Tusaale, dabayaaqadii bishii July 2019, shirkad ganacsi oo fadhigeedu yahay mid ka mid ah dalalka Khaliijka ayaa dekedda Muqdisho kasoo degsatay dhowr kun oo tan oo qalabka dhismaha ah.

Horaantii August 2019, Al-Shabaab ayaa wakiilka shirkaddaas ee Muqdisho kula xiriirtay taleefon kuna amartay inuu yimaado maxkamadda Al-Shabaab ee degaanka Mubarak ee Shabeellaha Hoose.

Markii uu yimid maxkamadda, waxaa la tusay manifeestadii markabka, taasi oo muujisay sida Al-Shabaab ay awood ugu leedahay inay hesho xog kasta oo ay u baahan tahay.

Al-Shabaab ayaa wakiilkii shirkadda ku amartay inuu bixiyo canshuur dhan 70,000 oo dollar. Waxaa sidoo kale lagu war-geliyey in alaabaha lasoo dejin doono mustaqbalka laga doonayo canshuur hormaris ah.

Kadib wada-tashi uu la sameeyey maamulka shirkadda, wakiilkii ayaa lacagta ku bixiyey isaga oo mariyey mid ka mid ah bankiyada Muqdisho. Waxaa kadib la siiyey rasiit-ka caddeynaya inuu bixiyey canshuurta.