Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Taraafikada Oo Mar Kale Cameraduhu Qabteen Isagoo Shaadhka Haysta Abwaan Caana.

Hargeisa(GNN):-Abwaan Xassan Daahir ismaaciil Weedhsame oo kamida abwaanada somaliland ayaa maanta baraha bulshada lagu arkay muuqaal kooban oo muujinaya isagoo ciidamada taraafikadu ku haystaan furaha gaadhiga.

Sarkaalkan Ku haysta furaha gaadhiga Abwaan Xassan daahir Weedhsame ayaa Lagu magacaabaa Cabdi madoobe Kaas oo hore muuqaal sidan oo kale looga duubay isagoo wariye khadar macalin deeq oo Dhaawac lugta ahi gaadhay Dib u kala Tuuraya.

Dhacdadan Maanta ayey sabab u ahayd markii abwaan xassan daahir ismaaciil weedhsame oo ka tirsan wasaarada Waxbarashada Somaliland oo dhigtay gaadhiga uu watay dibeda hore ee wasaarada uu kusoo laabtay iyadoo Taayirada gaadhiga lagasiidaynayo Naqaska, oo wakhtigii uu dul taagan yahay gacanta ku hayo askari taraafik ahi.

Muran iyo Buuq dhexmaray Sarkaalkan ayaa sababay inuu furaha gaadhiga ku qabsado.