Somaliland(GNN):- Shirkada lagu magacaabo MSG ayaa dhawaan qabatay xaflad abaalmarinno lagu gudoonsiinayey Dadka isticmaala ama caba sigaarka loo yaqaan Bussines Royal oo ay soosaarto shirkadani.kaas oo xafladaasi lagu soo bandhigay Sawiro iyo bushqado xayeysiiska sigaarkaasi ku qoran yahay, telefishanada dalkana laga baahiyey oo bulshada lala wadaagay.
Waxaana arrintan oo ay falanqeyn ka bixiyeen aqoonyahano dhinaca caafimaadka ahi ku tilmaamneen in abaalmarintan dadka caba sigaarkan la siiyey tahay mid si dadban u dhiirigalinaysay cabista sigaarka oo dunida caalamka laga madnuucay in la xayeysiiyo ama la dhiirigaliyo cabsita sigaarka.
Haayada Caafimaadka adduunka ee Magaceeda loosoo gaabiyo WHO (World Health Organization) ayaa warbixintii ugu danbaysay ee ay soosaartay sannadkan 2019 kusoo bandhigtay xadiga tirada dadka u dhinta cabista sigaarka iyo dhibaatada uu ku hayo dunida,
Waxaana warbixintaasi lagu daray sharciyada lagu madnuucayo nooc kasta oo xayeysiis loogu sameyn karo sigaarka oo dhibaatadiisa si waafiya ay isula qireen dalalka dunida ee ku midaysan United Nations-ku.
Dadka u dhinta sannadkii ayey hay’ada caafimaadka adduunku sheegtay inay yihiin 8 milyan oo qof, qayb ahaan marka laba loo qaybiyo dadka caba sigaarka.
Si Kastaba ha ahaatee Shirkadan Lagu magacaabo MSG ayaa Dhawaan iyadoo adeegsanaysa warbaahinta bulshada la wadaagtay xayeysiiskan dadban ee umada lagu dhiirigalinayo cabista sigaarka oo dhibaatada uu ku hayo dadka caba iyo kuwa aan cabinba siweyn looga dharagsan yahay.
Wasaarada Caafimaadka Somaliland oo ay iyada shaqadeedu ahayd inay talaabo ka qaado cidkasta oo ku kacda arrin ka hor imanaysa shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ahba, ayaa u muuqata mid ka gaabisay shaqaddii ay qaranka u qaabilsaneyd.
Waxaana Somaliland inta badan dhaca in xataa xayeysiis loo sameeyo farmasiyada oo dadka sida alaabta looga gado ama iibiyo daawooyin aanu dhakhtar u qorin, taas oo aaney jirin habayaraatee wax talaabo ah oo ay wasaarada caafimaadku ka qaaday, falalkan bulshada khatarta ku ah.
Halkan Ka Daawo Muuqaalka Ka Baxay Telefishanada.
https://youtu.be/hNHj6Cgcq0I
Halkan ka Akhriso Warixinaha Kasoo Baxay Hay’ada Caafimaadka Aduunka WHO
http://https://www.who.int/news-room/fact-sheets/detail/tobacco
Gabiley News Network
Contactgabileynews@gmail.com