Somaliland Oo Walaac ka Muujisay Xaaladda Dalka Itoobiya.

Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta markii u horeysay ka hadashay rabashadaha maalmihii udambeeyay ka socday gudaha dalka Itoobiya.

Somaliland ayaa sheegtay inay rajo fiican ka qabto in rabshadahaasi ku soo af-meermaan degenaan iyo jawi nabdoon, kuwaasi oo maalmihii udambeeyay ka dhacayey deegaanka Oromada ee Itoobiya.

Yaasiin Faratoon, Wasiirka arrimaha dibada Somaliland oo arrinkaasi ka hadlayay, ayaa waxa uu sheegay in rabshadahaaasi saameyn ku yeelan karaan Somaliland, maadama ay xad ahaan jaar yihiin.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Deganaasho, xasilooni iyo nabadgalyo inay ku dhammaadan rabshadaha socda ayaanu ku rajo weynahay, sababtoo ah Itoobiya waa Wadan aynu jaar nahay, oo aynu xidhiidh dhinacyo badan aynu leenahay”.

“Wax walba oo ku yimaadan dabcan saamayn bay inagu yeelanayaan, markaas waxaanu rajaaynaynaa in rabashadaha ka socda Deeganka Oromada inay nabada ku dhammaadan”.

Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “Waxa aynu filaynaa inay Dawladda Itoobiya ay dadaal dheer u galayso sidii amaanka halkaas u islaaxin lahayd, deganaashana ay ugu soo celin lahayd”.