Trump Oo Dhawaaqay In Cunaqabateynta Maraykanka Laga Qaadayo Turkey.

Madaxweyne Donald Trump ayaa maanta ku dhowaaqay in Mareykanka uu qaadayo dhammaan cunaqabateennadii uu horey u saaray dalka Turkey.

Trump oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad ayaa go’aankan sabab uga dhigay islamarkaana amaanay xabad-joojinta ka dhaqan-gashay xuduudda Syria iyo Turkiga.

“Saaka, dowladda Turkey waxay maamulkeyga u sheegtay inay joojineyso dagaalkii iyo howl-galkii waqooyiga Syria, islamarkaana ay xabad-joojinta ka dhigeyso mid joogto ah.” Ayuu yiri Trump.

“Sidaas darteed, waxaan ku amray xoghayaha maaliyadda inuu qaado dhammaan cunqabateenadii Turkey lagu soo rogay 14-kii October ee jawaabta u ahaa howlgalka Turkey ee ka dhanka ahaa Kurdiyiinta waqooyiga bari ee Syria,” Ayuu yiri madaxweyne Trump.

Hadalka Trump ayaa yimid kadib markii madaxweynayaasha Turkey iyo Russia ay talaadadii magaalada Sochi ku gaareen heshiis fududeynaya in ciidamada kooxda YPG ee Kurdishka laga saaro aagga ay dalbatay Turkey ee ku teedsan xuduudda.