“Waxaan hayaa 32 ilmood oo uu ka tagay walaalkay oo ku baxay qarixii Soobe”

Labo sano ayaa maanta laga joogaa musiibadii 14 kii October sanadii 2017-kii ka dhacday isgoyskii Zobe ee magaalada Muqdisho, halkaas oo qarax xooggan oo ka dhacay ay ku nafwaayeen boqollaal qof oo ahaa dad rayid ah, kuwaas oo iskugu jiray kuwo halkaa ku ganacsanyey iyo dad waddada marayey.

Dhibbanayaasha qaraxaasi ku waayay ehelladooda ayaysan weli xusuustoodu ka go`in maalintaas, waxaana ka mid ah Maxamed Maxamuud Siyaad oo uu walaalkii qaraxaasi uu ku dhintay wuxuuna BBC uga warramaya qaraxaasi raadka uu kaga tagay iyo xaaladda qoyski uu ka baxay walaalkii qaraxaasi ku dhintay.

“Dhacdadaasi waxaan ku xasuustaa waxay ahayd maalin murugo badan maalintaasi, ummad Soomaaliyeed oo fara badan ayay dhibaato ka soo gaartay anigana waxaan qaraxaasi ku waayey walaalkeey marka dhibkaasi ayaan ku xusuustaa qaraxaasi” ayuu yiri.

Dad badan oo waayeel, hooyooyin, dhalinyaro iyo carruur isugu jira ayaa ku dhinta qaraxii Zoobe ee 14-ki Oktoobar ka dhacay magaalada Muqdisho.

Haddaba Maxamed Mamuud wuxuu sheegay inuu walaalkii ka tagay qoys ballaadhan balse culeeska ugu weyn ayaa ah qoyskii uu ka tagay walaalkiis oo qaraxaas ku baxay.

“Culeyska badan waa iska jiraan mar haddii meeshi aabbihii ka tagay culeys fara badan meesha wuu jiraa annaga ahaan wax dhib oo gaar ah oo na haya ma jiraan”

“Walaalkeey wuxuu ka tagay carruur badan maalinta uu geeriyoodayna waxay ahayd 30 carruur ah iyo 4 xaas ayuu ka tagay laba carruur ah oo caloosha ku jirtay ayaa gadaashii dhalatay sidaasaa waxay ku noqdeen 32 carruur ah, carruurta aan sheegayana ma dhalin afarta xaas oo keli ahe waxaa dhalay dumar ilaa 8 gaaraya” ayuu yiri Maxamed Maxamuud Siyaad.

“Dhibaatada marki ugu horreysay oo ay dhibaatadu dhacday dad samafalayaal Soomaali ah oo xoogaha gargaar ah la soo gaaray wey jireen balse kuma filneyn, sababta oo ah gacanta na soo gaartay iyo dadki dadkaa badan laakiin dadaalla badan oo la bixiyey wey jiraan” ayuu sii raaciyey.

Qaraxa wuxuu burburiyey dhismeyaal shub ka samaysnaa

Dhanka kale Cabdisalaan Guuleed oo hore uga tirsanaa hay’adda Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaanu wax ka weydiinnay bal waxyaabaha laga baran karo musiibadaasi iyo kuwii la mid ka ahaa ee ka dambeeyey iyo sida ay dowladda uga gaashaaman karto.

“Dowladda Soomaaliya waxay ahayd iney ka baarto waddamada ay dhibaatooyinka noocan ah ay ka dhacaan waxaa la kordhiyaa gaadiidka gurmadka, isbitaallada iyo xirfadlayaasha caafimaadka, dhacdadi dhacday waxaasaan ka barannay ayaa la yirahdaa balse maanan arag wax ay dowladda Soomaaliya ku soo kordhisay wixi horay u jiray, laba sana kaddib jidadki waxba iskama baddalin, dhagaxaanta sidi bey u yaalliin, xagga amnigana wax ka hortag ahna lama sameyn, gawaarida dab damiska lama kordhin islamarkaana in waddooyin dhibaato markay dhacaan shacabka looga gurmado iney sameyso ayey ahayde ma dhicin” ayuu yiri Cabdisalaan guuleed.

Qaraxyada Muqdisho ka dhaca you saamayntooda

Qaraxaasi oo lagu sheego inuu ahaa kii ugu weynaa ee Soomaaliya ka dhaca ayaa la rumeysan yahay qaraxaasi oo kale u soo marin taariikhda Soomaaliya.

_

XIGASHO BBC