Muqdisho(GNN):-Xafiiska arrimaha dibadda ee dowladda Ingiriiska ayaa amray in safaaradda UK ee magaalada Muqdisho aysan bixin karin adeegyada Qunsuliyadaha, iyadoona lagu wargeliyey dhammaan dadka u dhashay dalkaasi.
Warkan ayaa lagu sheegay in dadka u baahan adeegyada safaaradda ay la xadhiidhi karaan safaaradaha UK ee ku yaalla magaalooyinka Nairobi iyo Addis Ababa ee Caasimadaha dalalka Kenya iyo Itoobiya.
UK ayaa go’aankan u sababeysay cabsi weyn oo ay ka qabto ammaanka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Sida lagu sheegay warka ka soo baxay xafiiska arrimaha dibadda ee UK, waxaa jira macluumaad sheegaya in ay jiraan in weeraro argagixiso oo la qorsheynayo in ay ka dhacaan gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya.
Digniintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay ee aad u yaraadeen weerarada ay kooxda Al-Shabaab ka fuliyo gudaha magaalada Muqdisho, taas oo loo sababeynayo xidhnaashiyaha waddooyinka waaweyn ee ku yaalla gudaha Caasimada somalia muqdisho.
Muqdisho Somalia
Gabiley News Network