Deg-Deg-Madaxweynaha jsl Oo Saraakiil Cusub u Magacaabay Taliyaha Ciidamada Booliska iyo Ku Xigeenkiisa.

Hargeisa(GNN):-Madaxweynaha jsl Ayaa maanta magacaabay taliyaha ciidamada booliska somaliland iyo taliye ku xigeenkiisa.

Saraakiisha loo magacaabay taliyaha iyo ku xigeenkiisa ayaa ah saraakiil hore uga soo mid ahaa ciidamada kala duwan ee somaliland.

Waxaana Wararka Hordhaca ah ee Ay Shabakada Gabiley news u Xaqiijiyeen in Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Loo magacaabay  Sarkaalka lagu magcaabo Maxamed Aadan Saqadhi “Dabagale”  oo maanta laga bilaabo noqon doona taliyaha ciidamada booliska somliland.

Sarkaalkan Ciidamada Booliska loo magacaabay Taliyaha ayaa hore uga tirsanaa ciidamada qaranka jamhuuriyada somaliland oo hore uga soo noqday hawlgalinta ciidamada qaranka somaliland.

Halka Taliye ku xigeenka ciidamada booliska somaliland loo magacabay ayaa ah  Cabdi Xassan Qarbash sarkaalkan oo tirsanaa ciidamada danbi-baadhista somaliland,

Walow Aanu Jirin War kasoo baxay xarunta madaxtooyada somaliland oo la xidhiidha aarinta, hadda waxa la filayaa saacadaha soosocda iyo shaacinta saraakiishan la magacaabayba.

Hargeisa Somalilan

Gabiley News Network