InqilaabKa Dhici Lahaa Dalka Eritrea Oo Fashilmay

Dowladda Eritrea ayaa soo saartay warmurtiyeed aan horay looga baran iyada oo warmurtiyeedkeeda ku eedeysay iney laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA ay Eritrea u maleegtay afgambi. Waxayna xukumadda Asmara warmurtiyeedkeeda carrabka ku dhufatay laanta sirdoonka Israa’iilna iney afgambigaasi la damacsanaa gacan ka geysatay.

Dowladda Eritrea waxay sheegtay in afgambigi Militari lala damacsanaa sanadka marka uu ahaa 2011-ka, balse hadda ay heleen macluumaad dhammeystiran oo afgambiga la damacsanaa muujinaya.

Afgambigi la damacsanana waxaa qayb ka ahaa ayey tiri xukumadda Asmara in kacdoonna shacab gudaha Eritrea laga abaabulo si awoodda dowladda loo wiiqo

Warmurtiyeedka ka soo baxay xukumadda Asmara oo ku qornaa afka Tigreega waxaa si toos ah looga magac dhabay shaqsiyaadka iyo laamaha afgambiga loo maleegayey ka qayb qaatay ee ay sheegtay iney ku kulmeen magaalada Nairobi.

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qoxootiga ee UNHCR waxay CIA ku amartay inuu gacan ka geysto sidi ay shacabka Eritrea uga qixi lahaayeen dalkooda waa sida warmurtiyeedka Xukumadda Asmara lagu sheegaye.