Israa’iil oo duqeysay ‘saldhigyo Iiraan iyo Suuriya ay leeyihiin’

Israa’iil waxay sheegtay inay duqeysay dhowr saldhig oo ku yaal gudaha Suuriya kuwaas oo ay leeyihiin ciidammada dowladda Suuriya iyo kuwo Iiraan.

Militariga Israa’iil waxay duqeymaha ay ka fuliyeen Suuriya ay uga falcelinayeen dhowr madaafiic oo looga soo tuuray dhinaca Suuriya, Israa’iil waxay rumeysan tahay in madaafiicda ay kusoo tuureen ciidammo Iiraan ee ku sugan Suuriya.

Dowladda Suuriya waxay sheegtay in 2 qof oo rayid ah ay ku dhinteen duqeymaha isla markaasna ciidammada difaaca Suuriya ayaa soo rideen inta badan madaafiicdii lagu tuuray caasimadda Dimishiq.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in la maqlayay dhawaaqa qarax xooggan, sawiiro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay qaraxa.

Shaley ayay aheyd markii militariga Israa’iil ay sheegeen inay qabteen afar madaafiic oo looga soo tuuray dhinaca waqooyiga Suuriya.