Madaxweynihii Dalka Bolivia Oo Lagu Khasbay In Uu Is Casilo

Madaxwaynah adalka Bolivia Evo Morales ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii madaxwayninimo kadib dibad baxyo qalalaaso wato oo ka dhacay dalkaasi.

Dibad baxyada ayaa ka danbeeyay kadib markii madaxwaynaha is casilay uu markale ku guulaystay doorashadii dalkaasi ka dhacday bishii hore.

Axadii kor joogtada caalamiga ah ee doorashada ayaa sharci daro ku tilmaamay natiijada doorashadii dhacday 20’kii October.

Mr Morales ayaana aqbalay in doorashada lagu celiyo balse waxaa arintaasi kasoo hor jeestay siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta ciidamada kuwaas oo ku adkeestay in marka hore isaga is casilo.

Qudbad uuna talafashinka si toos ah uga jeedinayay ayuu madaxwayne Morales ku sheegay in uu iscasilay sidaas darteedna loo baahan yahay in dibad baxyaashu ay joojiyaan weerarka ay ku yahaan dadka.