Museveni iyo dhiggiisa DRC oo ku heshiiyay xoojinta ganacsiga labada dal

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo Felix Tshisekedi ayaa ku heshiiyay inay xoojin doonaan xiriirka ganacsi ee ka dhexeeyo labada dal.

Madaxweyne Felix Tshisekedi oo muddo saddex maalmood ah booqasho ku joogo Uganda ayaa ka qeybgalaya kulankii ugu horreeyay ee ganacsi ee ka dhexeeyo labada waddan, wuxuu sheegay in Museveni uu kala shaqeyn doono xoojinta danaha qaaradda marka ay timaaddo isdhexgalka dhanka ganacsiga.

Labada hogaamiye oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kampala ayaa shaaca ka qaaday qorsheyaal ay ku doonayaan inay ku dhisaan waddo isku xirto labada dal si badeecadaha la isaga gudbiyo.