Roobab Dabaylo iyo Duufaano Wata Oo Ka Da’ay Xeebaha Somaliiland & Somalia, Dad Ka Waramay Khasaaraha Ka Dhashay.

Berbera(GNN):-Roobab xoog leh ayaa ka da’ay deegaannada xeebaha Somaliland iyadoo meelaha uu khasaraha u geystay ay ka mid tahay deegaanka Cabdi Geeddi oo waqooyi kaga beegan magalada Hargaysa, halkaasi oo la sheegay inay guryo ku dumeen roob dabayl wata oo ka da’ay balse aanay dad wax ku noqon.

Dhinaca kalena, gargaar dhinaca cirka la mariyey ayaa gaadhay magaalada Bardaale ee Gobolka Baay oo ay go’doomiyeen roobabkii dhowaan halkaa ka da’ay.

Gargaarkan ayaa waxaa lagu qaaday diyaarado helikobtarro ah, waxaana la geeyey raashin iyo daawo ay qaadeen diyaarado sida gargaar ay bixiyeen hay’adaha deeqda sida USAID.

Magaalada Beledweyne ayaa iyadana ay illaa haatan ka socdaan gurmadka loo fidinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen. Wararka ka imanaya ayaa sheegaya inay yaraadeen biyaha hase yeeshee ay jiraan xaafado weli aan la geli kairn biyaha jiifa dartood.

Halkan Ka Daawo Warbixintan, Dadkii Oo Ka Waramaya.

https://youtu.be/e2w6HsODcns