War Deg-Deg-Taliyihii Ciidamada Booliska Somaliland Oo Geeriyooday Alle haw Naxariisto Gen-C.laahi Fadal.

Hargeisa(GNN):-War deg-dega oo hadda soo gaadhay shabakada Gabiley News Ayaa u Xaqiijiyey Geerida alle haw naxariistee Taliyihii Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Gaas Gen- C.laahi Fadal Iimaan.

Geerida taliyahii ciidamada booliska somaliland oo ay noo xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan ciidamada booliska somaliland oo si dhow ula socoday xaalada taliyaha oo bilihii ugu danbeeyey ahayd mid hoos u dhacweyni ku yimid caafimaadkiisa.

Alle haw naxariistee Taliyaha ayaa bishan aan ku jirno wax yar uu ka hor u tagay dalka turkiga xaalad caafimaad oo ku maqnaa muddo bil ku dhow.

Marxuum Gen. C,laahi Fadal iimaan Ayaa intii somaliland jirtayba kamid ahaa saraakiisha ciidamada somaliland la jaaqaaday ee waxa weyn ka qabtay dhismaha ciidanka iyo horumarintiisaba.

Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland Alle haw naxariistee Gen Fadal Ayaa Mudooyinkii u danbeeyey la il darnaa xanuunka macaanka iyo kalyaha oo shaqadii ay hayeen soo yareenaysay marba marka ka danbeysa.

Taliyaha Alle Hawnaxariistee Ayaa Caawa ku geeriyooda yCubitaalka International Hospital ee magaalada Hargeisa Caasimada somaliland.

Inaa Lilaahi Wa inaa Ilayhi Raajucuun.

Gabiley News Network

Hargeisa Somaliland.