WARARKA




Barasaabka magaalada Nairobi oo sheegay inuusan wax musuqmaasuq ah gaysanin

Barasaabka caasimadda dalka Kenya, Nairobi, ayaa maanta maxkamadda horteeeda ka sheegay inuusan gaysanin eedaymaha loo soo jeediyey, oo ay ka mid tahay inuu lunsaday lacago.

Mike Sonko ayaa lagu soo eedeeyey in lacag gaaraysa $ 3 milyan uu ku qabsaday adeegyo sharci darro ah.

Maxkmadda horteeda ayaa waxa buux dhaafiyey taageerayaasha Mr Sonko.

Waxyaabaha aad loogu yaqaanno Sonko waxaa ka mid ah inuu mar walba ku labisto dhar soo jiidasho leh, oo dadka qaarkiisna ay u arkaan kuwo maad leh, laakiin isagu uu xarrago ahaan ka dhigto.