Ciidamada Turkiga Oo Gacanta Ku Dhigay Markab Laga Leeyahay Israel

Markabka Bat Galim oo ay leedahay shirkada Oceanographic Limnological ayaa cilmi baaris ka waday xeebaha iyaga oo kaashanaya saraakiil ka tirsan ciidanka amniga Cyprus.

Arintaan ayaa waxaa xaqiijiyay wasiirka tamarta iyo hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidanka badda Turkiga ay la xiriireen markabka Israel si wax looga weydiiyo howsha uu hayo deetana ay ku amreen in uu ka baxo biyaha Mediterranean ka.

Dhacdadaan ayaa imaaneysa todobaadyo kadib markii Turkiga uu heshiis la galay Liibiya, kaasi oo la xiriiray in Tripoli laga caawiyo ilaalinta xeebaha bari ee Mediterranean-ka.

Wadankan ku yaal waqooyiga Afrika ayaa ku eedeeyay wadamada Cyprus iyo Greece ay ku xadgudbeen xuquuqda Kheyraadka dhaqaalaha Liibiya.