Indonesia Oo Qabatay Tartan Dhinaca Qayloda & Cod-karnimada Haweenka Ah

Dad badan oo reer Indonesia ah ayaa ka qeybqaatey tartan qaylo-dhaan ah oo ka dhacay caasimadda Jakarta, tartankan ayaa dadka ka qayb galaya waxa la siinayaa shan daqiiqo marka uu  masraxa isa-soo-taago, waxana iyaga oo cod dheer ku dhawaaqaya ay tartamayaashu ka hadlayaan mawduucyo kala duwan oo arimaha bulshada ah oo ay ka mid yihiin caafimaadka, waxbarashada iyo ilaalinta xuquuqda carruurta, waxana ay soo jeedinayaan talooyin ay dhagaysanayaan dadka ku soo daawashada tagay tartanku.

Tartamayaasha, ayaa badan hooyooyin guri-joog ah oo ka soo jeeda dadkii asalka ahaa ee daganaa magaalada Jakarta, ee loo yaqaan Betawi, kuwaas oo ah kuwo sumcad ku mutaytay dhinaca codkarnimada hadalka iyo is-xilqaanka bulshada dhexdeeda.

“tartan ma aha mid sahlan, tartamayaasha looma ogola inay ka hadlaaan maqduucyada qaar, marka ay masraxa soo istaageen ee ay hadlayaana waxa reeban inay ku hadlaan ereyo xanaf leh, ama aan la fahmayn, sidoo kalena waxa ka reeban inay faraha fiiq-fiiqaan markay la hadlayaan dadka”ayuu yiri qaban-qaabiyaha tartankan oo lagu magacaabo Muhammad Rifki.

Tartankan ayaa looga golleeyahay in lagu kobciyo dhaqanka dhinaca codkarnimada ah ee qoomiyada  Betawi, iyada oo kuwa ku guuleysta ay heli doonaan abaa marin lacageed oo dhan 1.5 milyan oo rupiah-ga Indonesia ah  oo u dhiganta  107 doolar.