Laacibka Muslimka ah Ee Ozil Oo Weeraray Dawlada China,Iyo Arsenal Oo Iska Fogaysay.

Laacibka Muslimka ah ee khadka dhexe uga ciyaara Arsenal ee Mesut Ozil ayaa u istaagay difaaca Muslimiinta lagu dhibaataynayo waddanka China, kuwaas oo ciqaab adag iyo gumaad ay ku hayso dawladda oo doonaysa inay ku qasabto inay ka noqdaan diinta Islaamka ee ay aaminsan yihiin.

Muslimiinta China oo ay dawladda dalkaasi u diiddo inay bisha Ramadaan Soomaan, masaajiddada galaan, carruurtooduna barato qur’aanka Kariimka ah, ma jiraan dawlado shisheeye oo si adag uga hadla, gaar ahaan kuwa Muslimka ah marka laga reebo Madaxweynaha Turkiga.

Mesut Ozil oo asal ahaan kasoo jeeda waddanka Turkiga, laakiin ku dhashay Jarmalka oo uu dhalashadiisa haysto, ayaa si aan looga baranin ciyaaryahannada, waxa uu toddobaadkan noqday hiilka ugu weyn ee ay Muslimiinta tirada yar ee Uighur helaan, kaddib markii farriin uu ku qoray barihiisa bulshada ee Instagran uu ku sheegay in uu garan la’ yahay sababta ay dunidu dhabarka ugu jeedisay shacabka Muslimiinta ah ee lagu xasuuqayo China, isla markaana ay dawladihii Muslimka ahaa uga hadli la’ yihiin.

Farriintan oo markiiba qaylo kaga yeedhsiisay China, ayaa waxa uu Ozil ku tilmaamay Muslimiinta Uighur “Dagaalyahanno u adkaysanaya silic”.

Farriintan oo qabsatay dunida, laakiin warbaahinta waaweyn ee gaaladu aanay sidii loo baahnaa u tabinin marka la barbar-dhigo dhacdooyinka kale ee aan la miisaanka ahayn ee ciyaartoyga kale soo dhigaan, ayaa waxa uu Ozil ku yidhi: “(Gudaha China) Qur’aan ayaa lagu gubay, masaajiddo ayaa la yeeshay, Iskuulladii diinta lagu baranayey iyo Madarasadihii ayaa dab la qabadiisiyey, culimadii diinta ayaa mid mid loo dilay. Waxaas oo dhan oo dhacaya, Muslimiintu way ka aamusan yihiin.” Ayuu Ozil ku yidhi qoraalkiisa.

Ozil oo qoraalkiisa sii wata, waxa uu intaa ku daray: “Miyaanay ogeyn (waddamadu Muslimka) in ogolaanshaha dulmigu uu isaga laftiisu yahay dulmi? Saxaabigii Ali oo ay ilmo-adeer ahaayeen Nebi Muhammad (SC) waxa uu yidhi, ‘Haddii aanad dulmiga ka hortegi karaynin, bannaanka soo dhig (Dadka u sheeg).”

Hadalkan ayaa waxa shalay jawaab ka bixisay kooxda Arsenal oo sheegtay in Ozil uu ku hadlay afkiisa oo aanu iyaga metalaynin.

Farriin isku-mid ah oo ay ku baahiyeen baraha bulshada ee Twitter-ka iyo Instagram ayaa waxay Gunners ku tidhi: “Waxa uu sheegay waxay ku kooban yihiin fikradda Ozil. Koox kubbad cag ahaan, Arsenal mar walba waxa mabda’ u ah in aanay ku lug yeelanin siyaasadda.”

Warbaahinta u badan baraha bulshada oo can ka ah dalka China, sida Weibo ayaa waxay canaan u jeediyeen Ozil, waxaanay ka dalbadeen in ay iska caydhiyaan Ozil oo aanu kasii mid ahaanin.

Si kastaba ha ahaatee, Arsenal ayaa waxay ilaashanaysaa danaheeda dhaqaale iyo lacagaha badan ee kasoo gala China oo ay ku leedahay ganacsiyo u badan dukaamo lagu iibiyo qalabka ciyaaraha, halka Ozil uu u damqaday walaalihiisa Muslimiinta ah ee la dhibaaataynayo.