Bariga Afrika: Ayaxa oo laga cabsi qabo in dhul hor leh uu weeraro

Todobaadyadii ugu dambeeyay dalal badan oo ku teedsan Badda Cas waxaa soo galay ayax aad u tiro badan oo xaalufiyay dooggii.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha ayaa waxay sheegaysaa in dhibaatada ka dhalatay ayaxaasi ay halis galinayso cunnadii gobolkaasi.

Hay’addu waxay ka digaysaa in haddii aanan wax laga qaban ayaxan uu heerka weerarka uu dhulka ku hayo ay 500 oo jeer kordhi doonto wixii loo gaaro bartamaha sanadkan.

Waa duullaankii ugu darnaa ee ayaxa dalalka geeska Afrika muddo 25 gudahood.

Waxaa dalalka Kenya iyo Itoobiya ka socdaa dadaallo lagu buufinayo ayaxa.

Ayaxa ayaa sidoo kale dhibaato ka geystay dhul badan oo ku yaal dalka Soomaaliya.