Dibadbaxyo looga soo horjeedo ciidammada Mareykanka oo ka socdo Ciraaq

Dad badan ayaa dibadbaxyo ka dhigaya waddooyinka caasimadda Ciraaq ee Baqdaad, waxay codsanayaan in ciidammada Mareykanka ay isaga baxaan halkaas.

Waddaadka Shiicada ee awoodda leh ku leh dalkaas, Muqtadda Al Sadr ayaa mar sii horreysay ku baaqay in malaayin shacab ah ay ka qeybgalaan dibadbaxyada maanta oo jimca ah ka socda dalkaas.

Dibadbaxyo ka dhacay fagaaraha Taxriir ee gudaha Baqdaad

Dibadbaxyada ayaa ka dhacay meel u dhaw safaaradda ee ku taal magaalada Baqdaad.

Waxaana dadka bannaanbaxyada dhigaya ka mid ah maleeshiyaad taageero ka helo Iiraan.

Shacabka waxay sitaan calanka Ciraaq iyo boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo ka dhan ah ciidammada Mareykanka ee Ciraaq ku sugan.

Waxay xiisaddan ka dhalatay markii Mareykanka uu weerar duqeyn ah ku dilay janaraal Qaasim Suleymaani oo madax ka ahaa cutub kamid ah ciidamada ilaalada kacaanka ee dalka Iiran