Cabdirashidi Janan oo maanta tegay Kismaayo

Wasiirka amniga maamulka Jubaland Cabdirashiid Xasan Janan, ayaa maanta tegay magaalada Kismayao, sida uu xaqiijiyey xafiiska madaxweynaha maamulka Jubaland.

Janan ayaa doon ku tegay dekedda Kismaayo, hase yeeshee doonta ayaa la rumeysan yahay inuusan ka raacin Muqdisho, ee uu kasoo raacay mid ka mid ah xeebaha ku dhow caasimadda.

Janan ayaan warkiisa la la’aa tan iyo 28-kii January, markaasi oo taliye ku-xigeenka booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen ay sheegtay inuu xabsiga ka baxsaday.

Howl-galka Janan uu ku tegay Kismaayo ayaa socday 48 saac.

Dowladda Soomaaliya ayaa Cabdirashiid Janan ka xirtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, 31-kii August 2019, xilligaas oo lagu eedeeyey dambiyo ka dhacay gobolka Gedo.