Xamaas Oo Fariin Adag U Dirtay Wadamada Muslimka Ah Ee Taageeray Qorshaha Trump

Hogaamiyaha ururka Islaamiga ah ee Xamaas Mr Ismaaciil Haniyyah ayaa ugu baaqay madaxda wadamada Islaamka in ay diidaan qorshaha nabada Israa’iil iyo Falastiin ee Mareykanku horboodayo.

Mr Haniyyah ayaa sheegay in shacabka falastiin ay cafi doonin wadamada muslimiiinta ee ka aamusa ama taageera waxa loogu yeeray qorsha nabadeynta bariga Dhexe.

Hogaamiyaha Xamaas ayaa fariin la xiriirta digniintan u diray xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta, Mr Axmed Abul Qeyd madaxa ururka iskaashiga Islaamka Yuusuf bin Axmad Al-Cutheymiin iyo dhiggiisa ururka goboleedka midowga Afrika Muusa Faki Maxamed.

Mr Haniya ayaa tilmaamay qorshaha Mareykanka uu yahay mid halis ku ah jiritaan Falastiin una hiilinaya Israa’iil.

Hogaamiyaha Xamaas ayaa hadalkiisa ku soo koobay in aysan socon doonin shirqool kasta oo laga soo maleego aqalka cad ee Mareykanka kaasi oo hormuud u yahay madaxweyne Donald Trump.