Congresska Mareykanka Oo Meel Mariyey Sharci Xanibaya Fududaanta Trump

Aqalka hoose ee Congresska Mareykanka ayaa meel mariyay sharci cusub oo ka hor istaagaya madaxweyne Donald Trump in cudud Milatari uu ka maquuniyo wadanka Iiraan.

Kadib dood ay ka yeesheen arintaan iyadoo dib loo eegayo duulaankii Mareykanka ku qaaday dalka Ciraaq sanadkii 2002-dii ayaa waxay isla garteen in madaxweynaha uusan qaadan karin go,aan aysan meel marin Congress-ka.

Xubnaha dimuquraadiga ayaa sheegay in arintaan ay uga gol leeyihiin ilaalinta dhaqaalaha malaayiinta doolar oo canshuur ahaanta u bixiyaan shacabka Mareykanka.

Sharcigaan ayaa waxaa ansixiyay 228 ka mid ah mudanayaasha aqalka Hoose.

Arintaan ayaa daba socota baaq ka soo baxay golaha 9 kii bishan Janaayo kaasi oo ahaa in madaxweyne Trump uu ka codsado Congresska meel marinta qorshe kasta oo ugu duulayo Iiraan ka hor inta uusan ku Dhaqaaqin.

Ms Barbara Lee oo ka tirsan mucaaradka oo mooshinkan keentay ayaa sheegtay in waqti dheer xisbiga dimuquraadiga uu ku talinayay qorshe walba oo loo qaadayo nabada iyo dagaalada.

Ugu danbeyn waxay sheegtay in talaabadan ay meesha ka saari doonto in madaxweyne kasta uu qaato go,aan iskiis kaasi oo keeni kara jiho dagaal.