Ciidammada Mareykanka: Diyaar uma aheyn weerarkii Al Shabaab

Wakaaladda wararka ee AP ayaa ku warrantay in madaxa taliska ciidammada Mareykanka ee Afrika uu amar ku bixiyay in dib u eegis lagu sameeyo howlgallada dhammaan saldhigyada Mareykanka uu ku leeyahay Afrika kaddib weerarkii Al Shabaab ay ku qaaden saldhiga uu ku lahaa dalka Kenya kaas oo ay ku dhinteen saddex Amerikaan ah.

Waxaa uu sheegay in ciidammada Mareykanka ee ku sugnaa xerada Manda Bay in aysan u diyaarsaneyn weerarka lagu soo qaaday.

Janaraal Stephen Townsend ayaa lasoo xigtay xilli uu wariyeyaasha la hadlayay “Uma aanan diyaarsaneyn sidii la rabay markii uu dhacayay weerarkii Manda Bay”.

Horraantii bishan ayay aheyd markii dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen xerada Simba ee ku taala jasiiradda Manda ee dhacdo degmada Lamu ee gobolka xeebta ee dalka Kenya, waxay halkaas ku burburiyeen labo diyaaradood ee uu Mareykanka lahaa iyo dhowr baabuur oo yaalay garoonka diyaaradaha ee aggaas.