Shirkadda diyaaradaha Kenya oo hakisay duulimaadyadii ay ku tegi jirtay Shiinaha

Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa hakisay dhammaan duulimaadyadii ay ku tegi jirtay dalka Shiinaha kaddib markii cudurka Corona uu ka dilaacay dalkaas.

Waxaa caabuqa u dhintay in ka badan 130 qof guud ahaan dalka Shiinaha iyo ugu yaraan 16 dal oo kale.

Lix qof oo Afrikaan ahaa oo looga shakiyay caabuqa Corona ayaa laga waayay markii baaritaan caafimaad lagu sameeyay.

Shirkadda diyaaradaha ee Kenya waxay sidoo kale sheegtay in wasaaradaha caafimaadka iyo arrimaha dibadda ay kala tashaneyso muddo ay soconeyso hakinta diyaaradihii aadi jiray ama kuwsoo kasoo bixi jiray Shiinaha.

Khamistii ayay aheyd markii, shirkadda diyaaradaha ee Itoobiya ay shaaca ka qaaday inay sii wadeyso duulimaadyada tooska ah ay Shiinaha ku tegto.

Waxay sheegtay in dowladaha Shiinaha iyo Itoobiya ay kala shaqeyneyso sidii lagu xaqiijin lahaa badqabka rakaabka.