Daawo :-Wasiiro Ka Tirsan Xukumada Somaliland Oo Wajaale ka Dhagax Dhigay Dhismaha Shan Mashruuc.

Wajaale(GNN)Wafti Uu Hogaamiyo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Ay Ka Mid Yihiin Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyada,Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Dhulka  Iyo Guryeynta,Talyaha Guud Ee Ciidanka  Dabdamiska  Somaliland,Maamulka Gobolka Iyo Ka Degmada Wajaale Ayaa Maanta Magaalada Wajaale Waxay Ka Dhigax Dhigeen,Dhismayaasha Shan Goobood Oo kale Ah Xarunta Maxkamada,Xarunta Xafiiska  Xeer Ilaalinta,Xarunta Ciidanka Dabdamiska,Xarunta Sirdoonka Qaranka Iyo Waliba Dhismaha Xarunta Dawlada Hoose Ee Demada Wajaale Oo Qaab Casriya Loo Dhisayo.

Mashaariicdan Ayaa Laga Dhisayaa Dhul  Dan Guud Ah Oo Ku Yaala Duleedka  Wajaale. Dhaqaalaha Ku Baxaya Mashaariicdan Labo Ka Mida Waxa Maalgalinaysa  Wasaarada Arimaha Gudaha. Xaga Sadexda Mashruuc Ee Kalena Ay Maalgalinayaan  Laamaha Ay Khuseyso.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

REPORTER JACFAR CAWIL HERERI

GABILEY.NET