Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Oo Kulan Gaara La Qaatay Safiirka Midowga Yurub U Qaabilsan Somaliand iyo Somalia,+Nuxurka.

Hargeisa(GNN):-Hoggaanka Labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID ayaa galabta Magaaladda Hargeysa kullan gaar ah kula qaatay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somalia. Kullanka ayaa lagaga wada hadlay sidii sannadkan 2020 dalka doorashadii isku sidkaneyd uga dhici laheyd.

Madaxda Labada Xisbi Mucaarad ayaa war-bixin dheer ka siiyey Safiirka xaaladda dalka iyo sida doorasho diyaar loogu yahay, dhanka kalena-na uu Safiirkuna u sheegay in ay Beesha Caalamka iyo dalalka Somaliland ka taageera doorashooyinku diyaar u yihiin sidii Somaliland doorasho uga dhici laheyd.

Waxaana Kulankan Labada Xisbi Mucaarid la yeesheen safiirka midowga yurub horseed u ahaa Gudoomiyeyaasha Labada Xisbi Mucaarid Ucid iyo Waddani Eng Faysal Cali Waraabe iyo Gudo C.raxmaan Maxamed C,laahi Cirro, Nuxurka kulan oo daaranaa Sidii Doorasho uga dhici lahayd dalka sida ugu dhakhsaha badan ayaa ay Labada dhinacba isla gorfeeyeen Duruufaha hortaagan Hirgalinta doorasho laysku waafaqsan yahay mucaarid iyo Muxaafidba.

Waxaana La Rajaynayaa In Safiirku maalmaha soosocoda uu Kulamo kala duwan la qaadan doono dhinacyada xukuumada iyo Ururada bulshada rayidka ah ee Somaliland.