Dad Badan Oo Ku Dhaawacmay Guri Lagu Tuntno Oo Bamgacmeed Lagu Qarxiyey

Bambo gacmeedka ayaa lagu weeraray guri la sheegay in la isku yimaado, islamarkaana lagu caweeyo,islamarkaana ay ku sugnaayeen dad la sheegay in ay isugu jiraan rag iyo dumar.

Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa Heemaal News u sheegay in toban iyo hal qof ay ku dhaawacmeen qaraxa, islamarkaana Kooxdii ka dambeysay ay goobta ka baxsadeen.

Labo ruux oo ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa xaaladood caafimaad liidataa.

Ciidanka ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo.