Facebook Oo Manuucday Adeegsiga Shirkada Spinner Ee Yuhuuda U Basaasta Shacabka

Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in ay hakisay islamrkaana ka mamnuucday shirkadda Spinner adeegga Facebooka iyo WhasAppka, Spinner oo ah hay’adaha xukuumadda Israil kala shaqeysa arrimaha basaasida iyo maskax-dhaqidda dadka isticmaala baraha bulshada, waxa ay barnaamij gaar ah u sameysatay saameynta wacyiga iyo beddelidda dhaqanka dadka.

Barnaamijyeynta Shirkadda Spinner ee taleefoonada gacanta qaarkood si gaar ah Iphone ayaa sababtay in shirkadda Facebook la kulanto dhibaato kaddib markii ay Spinner diidday in Facebook hubiso ololaha iyo nuxurka Spinner ay u gudbineyso adeegsadayaasha Facebook, taas oo keentay in Facebook guud ahaanba hakiso islamarkaana mamnuucdo adeegan.

Facebook oo ah shirkadda ugu ballaaran ee leh baraha bulshadu ku xiriirto oo Mareykanku leeyahay ayaa sidoo kale waxa ay adeegsiga baraheeda ka mamnuucday shirkadda SSpinner qudheeda iyo xitaa milkiilaha shirkaddaas iyada oo Facebook, Instagram & WhatsApp dhammaan u diidday in ay kufalgalaan ama ku shaqeeyaan magaca milkiilaha iyo hsirkaddaba si weligeed ah.

Ilyon Sheflar oo kamid ah asaasayaasha shirkadda The Spinner ahna madaxa fulinta ayaa sheegay in ay sii wadayaan ololaha iyo suuqgeynta shirkadda islamarkaana ay ku gacan seyreen go’aanka Facebook ee ah mamnuucadda adeegsiga Facebook si weligeed ah.