Gabar Xabsiga La Dhigay Kadib Markii Ay Kufsi Been Ah Ku Eedeysay Xiddig Horay Usoo Maray Real Madrid.

Luisa Kremlleva ayaa la xiray kadib markii lagu eedeeyay iney cabasho been ah ka gudbisay Theo Hernandez bartamahii 2017, waxeyna aheyd xilli xiddigaan uu u saxiixay Real Madrid, balse hadda wuxuu ka tirsan yahay Ac Milan.

Gabadhaan Russia u dhalatay ayaa xiddiga ku eedeysay xad gudub galmo intii ay wada joogeen meel lagu caweeyo oo ku taala magaalada Marbella ee dalka Spain.

Kremleva waxey ka dhawaajisay in xiddiga uu isku dayay inuu ogolaasho la’aan ugu xad gudbo, balse uu u gacan qaaday markii ay diiday.

Sanadkii hore January 2019, maxkamadda gobolka ayaa diiday cabashada ay gabadhaan soo gudbisay maadaama ay sheegeen iney waxyaabaha lasoo gudbiyay yahiin kuwa is burinaya.

Intaas waxaa sii dheer, muuqaalka goobta baabuurta la dhigto kama muuqdaan wax dhibaato ah, balse kaliya wey dhacday, sidoo kalana gabadha yar dib ayey ugu laabatay meeshii laga caweynayay taasoo u muuqata arin iska caadi ah.

Dhinaca kale Kremleva waxey ku eedeysay Theo inuu daroogo siiyay, balse baaritaankii la sameeyay lagama helin wax daroogo ah, taasoo keentay in cabashada ay gusbisay ay noqoto mid been abuur ah.

Si kastaba gabadhaan ayaa la xiray kadib markii qudheeda lagu eedeeyay iney dambi been abuur ah korka ka saartay qof kale.