WARARKA




Gabay: Rabboow Naga Dhig Duul Wada Dhashoo Dhud iyo Laanteed ah.W/Q:- Abwaan Maxamed Liibaan Ismaaciil

โฆ Waxa aannu halkan idiinku soo gudbinaynaa gabay uu tiriyey Abwaan Maxamed Liibaan Ismaaciil oo uu fariin iyo dardaaran ugu jeedinayo qaybaha kala duwan ee bulshada, sida madaxda siyaasiyiinta ah, ganacsatada, madax-dhaqameedka, saxaafadda iyo dadweynaha, waxaannu gabaygan ku bilaabay sidan;
โฆ Taladii wanaag lagu dhisaad guul ku dhalisaaye
Dhulka aynu leennahayna waa Dheeho noo dihine
Baddaa dhereran maal baa dhexyaal Dheemman iyo Luule
Dhugmo lagu hantiyo bay rabtaa xoog ka soo dhuraโ€™e
Weliba waxaa inoo dheer adduun kaynu dhaqanaaye
Dhallinyariyo waayeel haddaan hawsha lagu dhiiran
Aan shaqada loo dhego-nuglaan waa dhitinaynaaye
Ku dhaqaaqa tacabbaa arlada la isku dhaafaaye.

โฆ Dhudhunkaaga aad maasho baad dhereg ku gaadhaaye
Waxa Hayโ€™adahu dhiibayaan malaha dhawraale
Dhugmo welefta iimaan dhamโ€™a iyo garisho kaa dhoofta
Iyo dhaqanka oo kaa lumay dhiirigelisaaye
Hadbana si aad hog ugu sii dhacday kuugu dhigayaane
Waar waa laysku dhaandhaamayaa ha u dhegtaaginaโ€™e.

โฆ Dhifalloobman kuuguma hirgalo dhaanto iyo boobe
Marka uu dhaqaaluhu kobcaa qaranku dhaataaye
Dalbana siduu u dhawrtaa hantidu ugu dhitawdaaye
Dhibiq-dhibiq u gee buu ku yimi dhiilka buuxsamaye
Dhallinyariyo waayeel haddaan hawsha lagu dhiiran
Aan shaqada loo dhega-nuglaan waa dhitinaynaaye
Ku dhaqaaqa tacabbaa arligga la isku dhaafaaye

โฆ Inta qaranka loo dhaariyee talada loo dhiibay
Ammaanada haddii aanay dhugan saaran dhabarkooda
Oo aanay dhawrayn dantii looga dhigay raaci
Ifka waa u dhib aakhirona waa u dhammacdii naareede
Iyaguna dhunkaashay hayaan ha iska dhawreen

โฆ Inta miidhiyaha dhaadhidee xummaha soo dheegta
Ee dhurra dharaariyo habeen dhiiladiyo cayda
Waxa ayku dheel-dheelayaan waa dhimbiil dabโ€™ahe
Qofbana waxa uu dhigtaabaa u yaal dhiisha aakhiroโ€™e
Iyaguna suntay dhidhinnayaan ha iska dhaafeenโ€™e

โฆ Haddii geel ka dhaadhacay habeen dhaafo xeradiisa
Dhurwaaga iyo libaax laaya iyo dhawrta waa u halise
Dhabarka iyo hiddihii wuxuu ka jabay dhuuxa bawdadaโ€™e
Isku dhidhinta qaar loo boqriyo qaar iskaba dhaashtay
Xilkii dhaqanka waxaa soo huwaday dar aan is-dhawrayne
Way dhalanrogeen haybaddii dheemmanta ahayde
Haddii aan shuruuc lagu dhaqoo dhawrta loo curinin
Sharafka iyo dhegtii aad lahayd waa qaldhebayaane
Dhurwaayada ka rida tallo hadday kuugu dhawdahaye

โฆ Ganacsiga intaa dheefsatee dhoofsha ama keenta
Dhibaatooyin badan baa jiroo lagu dhalliilaaye
Sicirka oo bulshada lagu dhejoo dhibaya kii liita
Dhulka hooyo oo aanay gelin maal wax laga dheefo
Iyo qaar allaabada dhacday ee dhimmatay soo waarya
Iyo dar aan sekona dhiirigelin deeqna kaba dhaartay
Iyo qaar xadkaba dhaafay oo dhimaya miisaanka
Dhibaatooyikaasaa jiriyo qaar kaloo dhimane
Maalkii xalaal laga dhaqdaad dhaxalka reebtaaye
Dhadhan malaha xaaraan maqdaca waxaad ka dheeftaaye
Iska dhawra xaqa aadamaha aakhiraa dhimane

โฆ Dhuun-qabad dhirtoo taagan buu dhuuxa ma dhiyaaye
Afku-dhiigle dhaayaha ilmada been ka dhibiqsiiya
Dhagar qabbe xummaan dhaadhiyoo haybta ugu dhuunta
Waa waxa bulshada dhabar jebshaye dhigay halkay taale
Dhar siyaasi qaar soo xidhiyo dhaqan mid soo duubtay
Ninba halkuu dhufays mooday buu beerka soo dhigaye
Xilna ma dhiboโ€™e yoolkoodu badi waa dhadhamo raace
Mana kala leh dheeriyo dhowena gooh-dhegaystuhuye
Ummadyahay intaad dhamaโ€™sannayd haadku kaa dheregye
Wixii kale dhammaysteโ€™e naftaa loo dhugtamayaaye
Dhegaha iyo araggiina fura oo dhugmo u yeesha
Iskana dhiciya dhuuryooyinkaa dhiigga yuโ€™annaaya

โฆ Waxba hadalku yuu illa dhamcine haatan aan dhigoโ€™e
Islaam dhab ah walaalo isdhaqdiyo gacal isdhawraaya
Ay dhaxal caddaaladi u tahay dhaqana diinteenu
Oo khayrka wadda dheefsadaan cinniq isdheeraysan
Oo dhinnac u wadajeeda aan kala dhegtaagaynin
Rabboow naga dhig duul wada dhashoo dhudiyo laanteed ah

Waxa tiriyey Abwaan Maxamed Liibaan Ismaaciil, Hargeysa, Somaliland.