GENERAL QASEM SULEIMANI:”Wuxuu ahaa DIFAACAHA, ADEEGAHA iyo DANJIRAHA RUUXIGA AH ee Danaha Dalkiisu (IRAN) ka leeyahay Bariga Dhexe” W/Q: Hussein Deyr.

GENERAL QASEM SULEIMANI:”Wuxuu ahaa DIFAACAHA, ADEEGAHA iyo DANJIRAHA RUUXIGA AH ee Danaha Dalkiisu (IRAN) ka leeyahay Bariga Dhexe.

Ka hor dilkiisii ay Diyaaradaha Maraykanku Jimcihii 03/01/’20 ku khaarajiyeen agagaarka Madaarka Baqdaad, General Qasem Suleimani wuxuu ka mid ahaa dadka ugu mudan ee LOOGU JECELYAHAY ama LOOGU NECEBYAHAY Mandaqada Bariga Dhexe. Wuxuu ahaa DANJIRE iyo GAADH-HAYE Ciidan oo lahaa khibrad badan, il-dheeri iyo feejignaan Cadow, Farshaxanimo iyo Fogaal-aragnimo ciidan.

Wuxuu dhisay Ciidanka la yidhaa QUDUS FORCE oo ah Ciidan si gaar ah u tababaran, kana mid ah Ciidamada haatan ugu adag Caalamka, Ciidankaasoo ay wax walba u dhamaystiran yihiin (Dhul, Bad, Cirka iyo Technoolojiyada casriga ah ee ciidamada.)

Wuxuu ahaa hoggaamiye Ciidan iyo Askari dhab ah oo Rabi hibo u siiyey tabaha iyo xeeladaha Dagaalka. Marka goroda lays daro ee ay raggu is haleelaana, wuxuu ahaa Taliye aan marnaba laga waayi jirin Furimaha Dagaalka iyo safafka hore ee Goobaha naf-waaga ee ragu ku kala baxo.

Wuxuu ka dhashay Qoys dan yar ah, Wuxuu dhashay 11/03/1957, wuxuuna ku dhashay Degmada RABOR oo ka tirsan Gobolka KERMAN oo ku yaalla Koonfurta IRAN. Labaatan jirkiisii wuxuu ku biiray Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamka ee IRAN. Dallacaado isku xiga iyo Xilal badan oo uu ka soo qabtay Ciidamada ka dib, Taliyihii Guud ee Ciidamada IRAN (Commander-in-chief YAXYA RAXIM SAFAVI) ayaa 1997 Qasem Suleimani u magacaabay inuu hogaamiyo Ciidanka la magac baxay QUDUS FORCE.

General Qasem Suleimani
Wuxuu ahaa Hoggaamiye Ciidan oo hayal-san, dhawrsoon, daacad ah oo dabeecad wacan iyo dad-wadashaba lahaa sidaana ku kasbaday qadarinta, qiimaynta iyo jacaylka ay u qabaan ciidamadiisa, ummadiisa iyo Hoggaanka Ruuxiga ah ee dalka IRAN.

Wuxuu ahaa ADEEGAHA iyo DANJIRAHA RUUXIGA AH ee sida gaarka ah ugu xilsaarnaa ilaalinta iyo isku-dubaridka Danaha Amni, kuwa Dhaqaale, kuwa Isteraatijiyadeed iyo kuwa Iskaashi ee uu Dalkiisa (IRAN) ka leeyahay Mandaqada Bariga Dhexe iyo meelo kaleba.

Wuxuu ahaa nin og inuu Cadow badan leeyahay (Muslim iyo Gaalba) oo halis ugu jira in la dilo.
Halka saxiibkii Taliyahii Guud ee Ciidamada Xisbullah IMAD MUGHNIYEH (oo lagu dilay Suriya 12/02/2008) uu ahaa nin socod yar oo hadhka iyo hoosiiska raaci jiray; General Qasem Suleimani wuxuu ahaa nin aan marnaba ka gabban inuu muuqdo ama aan ka muquuranin sawirada iyo muuqaalada faraha badan ee ka soo baxa shaashadaha.

Hoggaamiyaha Guud ee Ruuxiga ah ee dalka IRAN, Ayatollah Ali Khamenei wuxuu General Qasem Suleimani ku sifeeyey inuu yahay “NAFTII HURE WELI NOOL” iyo “KHASNAD ISLAAMKU LEEYAHAY OO AAN CIDI HELI KARIN”. Bishii March 2019-kii, 40-kaa sannadood ee ay jirtay Jam. Islamiga ah ee IRAN General Qasem Suleimani wuxuu noqday qofkii ugu horreeyey ee la guddoonsiiyo Billad Geesiga ugu sarraysa dalka IRAN. Billadan oo magaceeda la yidhaa “ORDER OF ZOLFAGHAR” waxa loogu magac daray SEEFTII uu lahaa GEESIGII ISLAAMKA EE CALI BINU ABU-DAALIB.