Jubaland oo War Rasmi ah Kasoo Saartay Xaaladda Wasiir Cabdirashiid Janan Oo Dawlada Somalia Sheegtay Inuu Xabsiga Ka Baxsaday.

Muqdisho(GNN):-War-saxaafadeed goor dhaw ka soo baxay maamulka Jubbaland ayaa walaac looga muujiyey halka uu ku dambeeyo wasiirkii amniga Jubbaland, oo maanta ay dowladda Soomaaliya sheegtay inuu ka baxsaday xabsigii lagu xiray.

Warka ka soo baxay Jubbaland waxaa lagu sheegay in wasiirkii aan weli nolol iyo geeri toona lagu heyn, isla markaana mudadii ka badneed shanta bilood ee uu u xirnaa dowladda aysan jirin cid aragtay xattaa qoyskiisa oo loo diiday.

Jubbaland waxay sheegtay in arintaan ay sii murjineyso xiriirka markii horaba cakirnaa ee kala dhexeeya dowladda federaalka, waxayna ka dalbadeen inay dowladdu meel ku sheegto wasiirkooda raq iyo ruux.

Sidoo kale Jubbaland ayaa warkeeda ku sheegtay in umadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba ogeysiineyso in wixii soo gaara wasiir Janan ay cawaaqibkii ka dhasha dusha u rida doonto dowladda federaalka.

Halkan hoose ka aqriso war-saxaafadeedka Jubbaland

Dowlada Jubbaland waxay ka walaacsan tahay xaalada murugsan ee Wasiirka Amniga Dowlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur.

Wasiirka waxaa si sharci-darro ah u afduubatey Xukuummada Federaalka Soomaaliya 31kii Agoosto 2019, isagoo aan meel sugan oo lagu xidhey marna la sheegin, inkastoo xukuumaddu ku andacootey inuu galay danbiyo aan la cayimin, waxaa ayaan darro ah inaan muddadaa dheer maxkamadna la hor geyn danbina lagu soo oogin.

Waxaa intaas dheer in muddadaas shanta bilood ka badan aan ehelkiisa iyo cid kastoo danaynaysay midna loo ogaalan, isla markaana loo diiday inay arkaan wasiirka qareemadii loo qabtay, iyadoo uu amray xafiiska xeer ilaalinta qaranku, taasoo xigtadiisa iyo dowladda Jubbaland labaduba ka welwelsanaayeen xaaladdiisa u dhaxaysa geeri iyo nolol. Iyadoo ay jiraan arrimaha aan soo xusnay, ayey maanta Xukuummadda Federaalku Twitterka taliye ku xigeenka booliiska Soomaaliya S/guuto Zakiya Xuseen ku sheegtey inuu Xabsiga ka baxsadey wasiir Cabdirashiid Janan, taasoo shaki galisay badqabka Wasiirka.

Arrimahaas murugada leh ee aan soo taxney oo ka baxsan hab-dhaqan dawladeed iyo midka bini’aadamnimaba waxay sii murgineysaa xidhiidhka awalba cakirnaa ee xukuumada federaalka iyo dowladda Jubbaland.

Sidaas darteed waxaan madaxda Xukuumadda Federaalka ah si degdeg ah uga dalbanaynaa inay meel ku sheegaan Wasiirkii ay afduubteen raq iyo ruuxba.

Ugu dambayn waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba u sheegaynaa in xukuumadda federaalku qaadayso mas’uuliyadda wixii ku dhaca wasiirka.

………………………………DHAMAAD………………………………………