Madaxweynaha Faransiiska Oo Eedeeyey Madaxwynaha Turkiga

Madaxweynaha Fransiiska, Emmanuel Macron, ayaa dhigiisa Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ku eedeeyey in uu jabiyey ballankii uu qaaday ee ahaa in aanu Liibiya farogelinayn.

Macron wuxu sheegay in maraaakiib dagaal oo ay saaranyihiin calooshooda u shaqaystayaal reer Suuriya ah arkay iga oo Liibiya gaadhay.
Erdogan weli eedaas kama jawaabin.

Bishan horraanteedii ayaa ayaa hogaamiyeyaasha dunidu ballan qadeen in aanay faraha la galayn dagaalka sokeeye eek a socda Liibiya, waxaanay wacad ku mareen in ay u hogaansamayaan cunoqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay saartay dalkaas.

Turkigu wuxu taageersanyahay xukuumadda Qaramada Midoobay aqoonsantahay ee fadhigeedu yahay caasimadda Tripoli, halka Faransiiskuna xidhiidh la samaystay xukuumadda taa lidka ku ah iyo Janaraalka fallaagada ah ee Khaliifa Xaftar.

Tan iyo bishii Abriil 2019, ayaa xukuumaddaa Qaramada Midoobay aqoonsantahay waxay iska difaacaysay guluf ay ku qaadeen dagaalyahannada Jeneraal Xaftar daacadda u ahi.

Macron ayaa sheegay in joogitaanka maraakiibta dagaalka ee Turkigu “xad gudub cad” ku yahay ballankii uu Madaxweyne Erdogan ku qaaday Berlin 19 Jeeniweri markii uu socday shirkii arimahaLiibiya ee ay madaxda dunidu ku kulmeen. Waxaanu sidoo kale Macron ku tilmaamay tallaabdaa Turkiga “mid halis ku ah nabadgeyada dalalka Yurub iyo kuwa Saaxil”.

Gobolka Saaxil oo ah saxare lamoodka koonfurta ka xiga lama degaanka saxaraha, ayaa ahaa furin lagula dagaalamo mitidiinta Islaamiyiinta muddo toban sano ah.

Waxaana jirta cabsi ah in hubka Liibiya la geeyaa ku tallaabi kao gobolkaas Saaxiil halkaas oo ay 4500 oo askri oo Faransiis ah iyo 14000 askri oo nabad ilaaliyeyaal Qaramada Midoobay ahi joogaan.
BaarlamaankaTurkiga ayaa labadii bishan Jeeniweri ansixiyey sharci u ogolaanaya dowladda Turkiga inay ciidamo u dirto Liibiya.

325 xildhibaan ayaa u codeeyay in ciidamo loo diro Liibiya halka 184 ay ka soo horjeedsadeen.
Xukuumadda Turkiga ayaa saaxib dhaw la ah dowladda caalamku aqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay caasimadda, Tripoli.

Dowladda Liibiya ayaa dagaal kula jirta ciidamo uu hogaamiyo Janaraal Khalifa Xaftar, oo fadhigoodu yahay bariga Liibiya.

Dowladda Masar , oo taageerta Janaraak Xaftar, ayaa cambareysay go’aanka baarlamaanka Turkiga waxayna saraakiisha Masar sheegeen in arrintan “ay si xun u saamaynayso xasiloonida Liibiya “.

Toddobaadkii aanu soo dhaafnay, madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in ansixinta baarlamaanka uu dalban doono islamarkana uu ciidamo u diri doono Liibiya.

Ciidamada Turkiga uu u diri doono Liibiya ayaa waxaa ka mid ah khubaro tababaro u fidin doona ciidamada dowladda Liibiya iyo la taliyayaal.

Ciidamada Xaftar ayaa isku dayayay in ay la wareegaan caasmida Liibiya ee Tripoli.