Markab Shidaal Sida Oo Dab Ku Qabsaday Xeebta Dalka Imaaraadka

Markab shidaal ayaa dab xoogan ku qabsaday xaabaha gacanka Khaliijka gaar ahaan meel u dhow badda Imaaraadka Carabta, ilaa iyo hadanna alagama hayo macluumaad rasmi ah oo la xariira Shilkaan.

Sargaal ka tirsan xukuumada Dubai ayaa xaqiijiyay in markabka uu dabka ku qabsaday meel qiyaastii 40 kiilo mitir u jirta dakada magaalada Sharjah.

Wararka ayaa intaa ku daraya in waqtiga uu dabka qabsaday markabka ay aheyd abaara 4- galabnimo ee shalay oo arbaca ahayd, xilliga maxaliga.

Ciidanka badda ayaa caawiyay markabka waday shidaalka, sida warbaahinta dowlada u xaqiijiyay sargaal ka tirsan Imaaraadka.

Warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamay in markabka lagu magacaabo MV Osprey waxaana ka babanayay calanka Norway.

Milatariga Mareykanka ee ku sugan Khaliijka ayaa sheegay in si dhow arintaan ay ula socdaan.

Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo xiisad dagaal oo u dhaxeysa Mareykanka Iiraan ay ka taagan tahay Gobolka.

Washington ayaa weeraro lagu qaaday maraakiib shidaal oo marayay gacanka Khaliijka ku eedeysay Dowlada Iiraan.