Trump Oo Kulan Dagdag Ah Ugu Yeedhay Uhuru Kenyata

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa in kulan la qaato dhiggiisa Mareykanka Mr Donald Trump kaasi oo looga hadli doono xiriirka labada Wadan.

Xoghayaha wasaarada arimaha dibada Kenya Mr Macharia Kamau ayaa u xaqiijiyay warbaahinta Bloomberg News in Uhuru uu todobaadka soo aadan la kulmi doono Trump.

Muhiimada ugu weyn ee kulanka ayaa noqon doonta xoojinta xiriirka ganacsi iyadoo heshiisyo cusub ay sidoo kale kala saxiixan Doonaan.

Trump iyo Kenyatta ayaa dhanka kale Kawa  hadli doona la dagaalanka kooxaha argagixisada gaar ahaan ururka Al-Shabaab oo mudooyinkan xoojiyay weerarada ay ka geysanayaan gudaha Kenya.

Socdaalka madaxweynaha Kenya ayaa ku soo aadeya iyadoo ururka Al-Shabaab sadax askari oo ka tirsan Mareykanka ay bishii December ku dileen weerar ka dhacay saldhiga Manda magagoni ee ismaamulka Lamu.