Masar Iyo Ethiopia Oo Ka Heshiiyay Xiisadii Biyo Xidheenka Niil

Dalalka Masar, Itoobiya iyo Suudaan ayaa gaaray heshiis horudhac ah oo ku saabsan buuxinta iyo qaabka uu u shaqaynayo biyo xireen mega oo ay Ethiopia ka dhisayso wabiga Niilka.

Qoraal ay si wada jir ah u soo saareen saddexda dal, oo ay wehelinayaan Mareykanka iyo Bangiga Adduunka, ayaa sheegaya in lagu heshiiyay in la buuxiyo kaydka biyo-xireenka Grand ee Ethiopia inta lagu jiro xilli-roobaadka ee u dhexeysa bilaha July iyo Agoosto.

Si kastaba ha noqotee war urtiyeedkan laguma xusin, waqtiga ay waadanayso buuxinta kayda miyo xidheenka oo ay Ethiopia doonayso in 6 sano lagu buuxiyo, halka ay masar rabto in 10 sano lagu buuxiyo – iyadoo ka cabsi qabta in waqtiga gaaban ee qorshaha Ethiopia ah uu saameyn ku yeesho qulqulka webiga Niil kaasoo ay ku tiirsan tahay 90% biyaheeda.

Heshiiska kama dambaysta ah ayaa la saxeexi doonaa 28-29 Janawari, marka wasiirrada saddexda dal ay mar kale ku kulmaan Washington.