Xukuumada Danmark Oo Lagu Eedeeyey In Ay Dhibaatayso Dadka Soogalootiga Ah Takoortana

Dowlada Denmark oo ka mid ah wadamada dhaca qaarada Yurub ayaa lagu dhaliilay in ay ku tumato xuquuqda dadka aan u dhalan Dalkaasi.

Xukuumada danish-ka ayaa mudooyinkii danbe xoojisay qorshe liddi ku ah dadka muslimiinta iyo soo galootiga kale ee ku nool Dalkaasi.

Dhibaatada ugu weyn ayaa ah in dadka qaxootiga ah la dajiyo meelaha ka fog magaalooyinka taasi oo u muuqata midabtakoor Farsameysan.

Deegaanada saaran magaalooyinka ayaa dadka degan boqolkiiba 50 waxay yihiin Muslimiin ama dad aan u dhalan Yurub oo magangalyo u raadsay Denmark.

Balse madaxda dalkaas ayaa ku macneeyay in arintaan ay tahay mid lagu soo dhisayo xirfada shaqada iyo barashada dhaqan ka hor inta aysan dadkaan dhaxgalin muwaadiniinta Denmark.