Qaraxyo Lagu Burburiyey Kamaradihii Ku Rakibnaa Isgoysyada Wadooyinka Muqdisho

Warar hordhac ah oo laga helayo jugta qaraxyo culus oo Muqdisho laga maqlay ayaa sheegaya in la beegsaday qaar kamid ah Kaamirooyinka ku xiran wadooyinka magaalada.

Kuwa la hubbo hadda ee la qarxiyey waxaa ka mid ah kuwii lagu rakiba isgoyska dabka ee Muqdisho.

Goob jooge ayaa Heemaal News u sheegay in uu arkay mid kamid ah Kaamirooyinka oo la qarxiyay.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya.